Somali News

Al-Shabaab oo G/Gedo ku afduubtay gudoomiyaal iyo caruur ay dhaleen.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Luuq ayaa waxaa ay sheegayaan in  gudoomiyaasha deegaano hoostaga degmadaasi ay  qafaasheen dagaalamayaasha  Al-shabaab,iyadoona sidoo kale lala afduubtay  masuuliyiinta wiillal ay dhaleen.

Masuuliyiinta ay afduubteen Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyihii tuulada la yiraahdo Shaataaloow Cabdulahi Kuusow Maxamed , gudoomiyaha tuulada Cadaley Axmed Cumar iyo wiil uu dhalay, gudoomiyaha tuulada Baakaale wiil uu dhalay iyo gaarigi gudoomiyaha, balse gudoomiyaha tuuladaasi ayay waayeen Al-shabaabka.

Waa afar qof oo labo ay yihiin gudoomiyaal deegano hoostaga  degmada Luuq ee gobalka Gedo

Dadka degaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay muujinayaan xiligan,maadaama Al-Shabaab ay bilaabeen in ay afduubtaan gudoomiyaal degaan iyo caruurta ay dhaleen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobalka Gedo.