Somali News

Al-Shabaab oo gaadiid badan ku gubay Shabeelaha Hoose.

Afgooye-KNN-Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in gaadiid badan ay ku gubeen deegaan lagu magacaabo doonka  oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gaadiidka la gubay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 7 gawaari, kuwaasi oo ah kuwa qaada Xamuulka.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in gaadiidkan ay ka imaadeen degmada Wanla weyn, islamarkaana waxaa ay ku sii jeedeen Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelah hoose.

Gadiidkan Al-Shabaab ay  gubeen galinkii danbe ee shalay ayaa waxaa la sheegay in ay sideen dhuxul, islamarkaana waxaa uu urarnaa ganacsato ku sugan degmada Afgooye.

Ilaa iyo hada lama ogo sababta keentay in ay Al-Shabaab  gubaan gawaaridan xamuulka ah, kuwaasi oo tiradooda gaaraysa ilaa iyo 7 gaari.

Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose.