Uncategorized

Al-shabaab oo Gaari Qaad waday ku gubay Sh/Dhexe

Jowhar-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay gubay Gaari Hoomey ah oo waday Qaad kana yimid dhanka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka qabteen waddda dheer ee is ku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Al-shabaab ayaa Gaariga u ka xeystay deegaanka Basro oo ah deegaan ay ku xoogan yihiin.

Al-shabaab ayaa xiray wadihii Gaariga iyo laba ruux oo la socday halka ay siidaayeen dad Rakaab ahaa oo Gaarigaasi la socday oo tiradooda aan la sheegin.

Maalmihii dambe ayaa waxaa jiray khilaafka u dhaxeeyay laba Shirkadood oo Qaadka geeya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, khilaafkaas oo maalin ka hor dhalisay in dagaal uu ka dhaco Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.