Somali News

Al-Shabaab oo ganacsato ku xiray gobolka Galgaduud

Ceelbuur-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaano hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ganacsato ay xireen.

Ganacsatadaan oo si weyn looga yaqaano degaanada hoostaga Ceelbuur ayaa la sheegay in ay gaarayaan tira ahaan Sedax, kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay Al-Shabaab kaga shakiyeen in ay yihiin sirdoon.

Dhageyso:-Warkan waxaa magaalada dhuusamareeb kasoo diray wariyaha idaacada kulmiye Maxamed Cabdi wali Tooxow.