Uncategorized

Al-shabaab oo Gobolka Baay ku dilay illaa Shan Qof oo ay ku Eedeeyeen basaasiin

Iidaale–KNN– Warbaahinta Wararka u Faafisa Al-shabaab ayaa lagu Baahiyay Magacyada illaa Shan Ruux oo ay sheegeen in ay ku dileen Degaanka Iidaale ee Gobolka Baay islamarkaana Magaalada Baydhabo Ee xarunta Gobolka u jira illaa 60 KM.

Shabaab ayaa Shanta Ruux ee ay ku dileen Degaanka Iidaale ee Gobolka Baay waxaa ay ku Eedeeyeen in ay yihiin Sirdoon la shaqeeya Mareykanka,Dowaladda Federaalka,Koofur Galbeed iyo Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Magacyada Shanta Qof ee Shabaabku dileen ayey ku sheegeen, Mahad Cali Xasan oo ay ku Eedeeyeen inuu la shageynayay Ciidanka Xoogga Dalka ee Danab iyo Mareykanka, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed  oo ay ku Eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdi Axmed oo asna ay ku Eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayaya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo  C/casiis Ibraahim Maxamed oo asna ay ku Eedeeyeen la shaqeynta maamulka Koonfur galbeed .

Shabaab ayaa Dhowr Jeer Degaanada ay Maamulaan ku dilay Dad rayid ah oo ay ku Eedeeyeen in ay la shaqeyaan Sirdoonka Dowladaha Reer Galbeedka iyo kan Soomaaliya intaba.