Somali News

Al-shabaab oo Isbuuc gudihiis toogasho ku dilay, ku-dhowaad 10 qof

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa kordhiyay toogashada qaar kamid ah dadka ku hoos nool oo ay ku eedeeyeen falal la xariisa basaasnimo.

Muddo Isbuuc gudihiis ah ayey Al-shabaab dileyn 9 qof. Dilalkaas ayaa ka kala dhacay Gobalada Bay iyo Jubada dhexe, waxayna kii ugu dambeeyay Al-shabaab ay fuliyeen shalay galab.

Fagaaro ku yaala degaanka Kamsuuma oo katirsan degmada Jilib ayey Al-shabaab shalay ku toogtayn 4 qof oo ay ku eedeyeen in ay ahaayeen jaajuus waxaana goobta toogashada ay ka dhacaysay la isugu keenay boqolaal shacab ah.

Taladaadii, todobaadkii hore ayey Al-shabaab sidaan oo kale 5 qof ugu togtayn degaanka Yaaq-baraawe oo katirasn degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.