Somali News

Al-Shabaab oo joojiyay gaadiidka ganacsatada u raran ee taga Jowhar

Wararka naga soo gaaraya deegaannada gobolka shabeellada dhexe  ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku xayiran yihiin gaadiid fara badan.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay  joojiyeen in  gaadiidka ganacsatada u raran in ay galaan gudaha  magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay in gaadiidka ay u xayiran yihiin Lacag ay sheegeen in ay ku soo rogeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Khilaafka xoogan ayaa la sheegayaa inuu kala dhex galay ganacstaadda iyo Al-Shabaabka ku sugan gobolka shabeellada dhexe.

Ganacsatada ayaa diidan amaro culus oo ay Al-shabaab ay duldhigeen ganacsatada