Uncategorized

Al-Shabaab oo ka baxay degmada Ceel-waaq oo ay saakay qabsadeen.

Ceel-Waaq-KNN-Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa dib ugu laabtay degmada Ceel-waaq ee gobalka Gado ka dib markii ay halkaasi ka baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa si nabad galyo ah ugu laabtay degmadaasi oo ay saacado badan ku sugnaayeen Al-Shabaab oo dagaal ku qabsaday waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay halkaasi ka afduubteen Sarkaal ka tirsan Jubbaland iyo dad kale oo Shacab ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay halkaasi ka wateen Gawaari Nuuca dagaalka ah agabyo kale oo ay la haayeen Ciidanka Jubbaland waana markii labaad ay Al-Shabaab todobaad gudahiis weerar ku qaadaan degmooyin ka tirsan gobalka Gado.

Dagaalkii saakay ka dhacay degmada Ceel-waaq ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu gobalka Gado ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”

Xaaladda ayaa hada caadi ku soo laabtay waxaana si buuxda u maamulaya Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.