Uncategorized

Al-shabaab oo kor dhiyay dilalka ay ka fulinayaan Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Al-shaab ayaa baahiyay inay ka danbeeyeen dilkii saaki loo geystay sarkaal ka tirsanay ciidamada Xooga Soomaaliya.

Sarkaal kaan ayaa lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseen Barkhad Maanta ayaa rag ka tirsan Al-shabaab waxay ku toogteen xaafadiisa oo ku taala degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa kor dhiyay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ay ka fulinayaan Magaalada muqdisho, xalay waxay hoobiyaal ku weerareen Saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyiin xerada Maslax, sarkaal kaan ayey ku dileen degmada hodan ee Gobolkaan Banaadir iyo Sedax ruux oo shalay ay siyaabo kala duwan ugu dileen  magaaladaan muqdisho.