Uncategorized

Al-Shabaab oo kordhiyay Weerarada ay ku qaadayaan Ciidanka Dowladda ee ku sugan Sh/Dhexe

Jowhar-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa kordhiyay Weerarada ay ku qaadayaan Milatariga Soomaaliya ee Isticmaala Wadada udhaxeysa degmada Mahadaay iyo degaanka Biya Cadde ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay dhowr weerar ayaa ka dhacay Wadada waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 ka mid ah Ciidanka Soomaaliya 2 Askari ayaa ku dhaawacantay sidoo kale 1 Askari ayaa ka badbaaday dhowr weerar oo halkaasi ka dhacay.

Weerarada ugu badan ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Cali Fool-dheere oo ku dhaw degmada Mahadaay waxaana halkaasi badatay Qatarta Al-Shabaab ee Weerarada Jid galka ah.

Ciidamada Dowlada ayaa ku yaraaday Isticmaalka Wadada waxaana la sheegay halkaasi ay ku waayeen Dhowr ka mid ah Ciidankooda.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay Labo maalin ka hor waxaana lagu qaaday Ciidan saarnaa Mooto waxaana weerarkaas lagu dilay 2 qof oo mid ka mid ah ahaa Askari iyo qof kale oo mootada la saarnaa sidoo kale Askari kale ayaa ka badbaaday weerarkaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Shabeelaha dhexe balse Arintaan ayaa saameysay isku socodka Gaadiidka iyo dadka maadaama ay Inta badan Ciidanka weerarka lagu qaadayo ay raacaan Gaadiidka Shacabka.