Muqdisho-KNN-Bayaan ka soo baxay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa waxaa uu ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ay kooxda Daacish ka wadaan Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa waxaa ayaa dagaalamayaasha ugu baaqay dagaal adag la galaan kooxda daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Cali dheere ayaa kooxda daacish ku tilmaantay “cudur halis ah iyo kaansar”.Sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka uu sii hadlayay ayaa sheegay “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.”
Shekh Cali Dheere ayaa daacish ku eedeeyay “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna dagaalamayaasha Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish.
“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada ururka iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan waxa uu ku tilmaamay cudurka dilaaga ah oo uu ula jeedo Daacish”