Uncategorized

Al-shabaab oo la sheegay in ay Dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Degaanada Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Degaanada Maamulkaasi ay soo buux dhaafiyeen Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab,waxaana ay sheegeen in ay diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Galmudug oo la dagaalama Al-shabaab.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Degaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku Aruursanayaan Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaasi,waxaana uu Xusay in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.

Al-shabaab ayaa Maamula Degmooyin ku yaalla Gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana Degmooyinka ugu Muhiimsan kamida Degmada Xarardheere iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.