Laasqori–KNN–Wararka naga soo gaaraya magaalada laas qoray ee gobalka sanaag ayaa sheegaya in dagaalamayal badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka yimid Buuraleyda galgala ay Gudaha u galeen Magaaladaas,iyadoona Kadib Halkaasi ka taagtay Calkooda Madowga ah ee lagu yaqaanay Ururka Al-Shabaab.
Waxaana la sheegay in Boqolaal Al-Shabaab ay lug ku soo galeen magaalada laasqoray,islamarkaana halkaasi mudo saacado ah ay maamulayeen.
Dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay gudaha u soo galeen Magaalada ay khudbad u jeediyeen Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada laasoqoray ee gobalka Sanaag.
Hayeeshee Shacabka ku dhaqan laasqoray ayaa Cabsi ka muujiyey Dagaalamyaasha Al-Shabaab oo gudaha u soo galay magaaladaas,inkastoo qaarkood la sheegay inay bilaabeen inay ka barakacaan Magaalada Laasqoray.
Ururka Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay weeraro ka geysanayeen magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka puntland,maadaama la sheegay in boqolalkan dagaalamayaal ay ka soo baxeen buuraleyda galgala ee gobalka barri oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.