Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaanno hoos taga degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda
Deegaanada ay isaga baxeen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii la sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin deegaanada maamulka Galmudug.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.


