Uncategorized

Al-Shabaab oo la sheegay in ay ku sii xoogeysanayaan Magaalooyin ka tirsan Kenya.

Nairobi-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku sii xoogeysanayaan gudaha Kenya waxaana isa soo taraya walaaca ay qabaan dadka Masiixiyiinta ee ku nool Magaalooyin ka tirsan kenya.

Xasilooni darro baahsan ayaa dhawaanahaan ka jirtay Gobalka Waqooyi Bari Kenya haba ugu darnatee Deeegaan Xeebeedka Lamu oo ay ka dhaceyn Dilal, weeraro iyo afduub , waxaana weeraradaasi ka danbeeyay Al-shabaab oo ka soo weerar tagaya dhulka keynta ah ee Kenya.

Isbuucaan dhexdiisa Deegaanka  Kasala Kairu oo hoos yimaada Lamu waxaa lagu gowracay 3 oo misiixiyiin ah kadib markii lagu amray in ay ashahaataan balse ay ka dhaga adeegeen,waxaane sidaasi oo kale weerar  gaadmo ah lagu lagu qaaday deegaan kale oo ka tirsan Lamu oo loo yaqaan Kadenge Katana.

Masiixiyiinta kenya ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay amaankooda oo ay la kulmayaan hanjabaadyo kaga imaanaya waxa ay ugu yeereen Argigixiso ka dagaalanata Gudaha oo ay ula jeedaan Al-shabaab.

Warbaahinta ayaa daabacaya warar aan xiiso gilin muwaadiniinta dalkaasi oo ku qutuma weeraro,dilal, Afduub iyo Gowracyo kuwaas oo laga fuliyay meelo ka mid ah Kenya.