Uncategorized

Al-Shabaab oo la sheegay in ay qarxiyeen shacab ku dadaalayay in ay joojiyaan Fatahaad uu sameyay Wabiga Jowhar.

Jowhar-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qarax miino udhigeen Dad Shacab ah oo ku Howlanaa xeritaanka meel uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha dhexe.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Tuulada Nuukaay oo ku taala duleedka degmada Jowhar ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay maalmahaan Al-Shabaab iyo dadka beeralayda  ah ay ku muransanaayeen in biyo xereeno loo sameeyo meelo uu fatahaad ka sameeyay wabiga shabeelle Al-Shabaabna ay diidanaayeen.

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in halkaan ay ku sii daayaan biyo wadooyinka jara si aysan u isticmaalin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM halka dadka beeralayda ahna ay taas ku tahay dhibaato culus maadaama ay halkaasi ku leeyihiin dalagyo badan.

Qaraxa oo lagu soo qariyay Caag nuuca qaado 20-ka Liter ee loo yaqaano “jirkaan ama Labaatanle”  Lama soo sheegin Khasaaro dhimasho ah balse waxay dadka deegaanka xaqiijiyeen in ay dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

Maamulka gobalka iyo maamulka degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay faah faahin ka bixin doonaan saacadaha soo aadan waxana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.