Somali News

Al-Shabaab oo la sheegay In masuul ka tirsan Jubbaland ay ka afduubteen Gedo.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey ayaa ku waramaya in ay Al-Shabaab ka afduubteen masuul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxii Wasaarada Waxbarashada Maamulka Jubbaland ee Gobalka Gedo oo lagu magacaabo Maxamed ibraahim, ayaa la sheegay in ay Shabaab wadada u galeen, islamarkaana ay afduubteen.

Masuulkaasi ka tirsan Jubbaland ayaa Imtixaanka sanad dugsiyeedka dugsiga dhexe oo uu qaado Maamulka jubbaland waxa uu ka soo qaaday Degmada Buurdhuubo, waxuuna kusii jeeday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.