Somali News

Al-shabaab oo la sheegay in shaqaale samafal ay ka afduubteen duleedka Garbahaarey.

Garbahaarey-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi Maanta dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay  shaqaalo ku Afduubteen.

Ilo xog ogaal ayaa KNN u sheegay in Al-shabaab shaqaalaha ay Afduubteen ay u shaqeynayeen Hay’ad Samafal oo ka howlgasha deegaanada ka tirsan Gobalka Gedo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in shaqaalaha xilliga la afduubayay ay howlo samafal ah ka wadeen duleedka degmada Garbahaaray

Ilaa iyo hada ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan gobalka Gedo.

Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale waxaa ay shaqaale samafal ka afduubteen qeybo ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya.