Somali News

Al-shabaab oo la sheegay inay ku dagaalamaan hubka askarta dowladda.

Muqdisho-KNN-Warbixin lagu qoray wargeyska la yiraahdo The Long War Journal ayaa lagu sheegay tiro koob lagu sameeyay weerarada ay Al-Shabab gudaha Soomaaliya ka geysteen wax sanad ka yar.

Wargeysku waxaa uu sheegay in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in laga soo bilaabo October 2017 illaa April 2018 ay Shabab gudaha dalka ka geysteen qiyaastii 418 weerar oo iskugu jiray qaraxyo qaarkood ismiidaamin ahaayeen kuwa ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay.

Wargyska aanu xiganayno ee The Long War Journal waxaa uu ku sheegay warbixintaan inay ku jirto xogo laga helay warbaahinta Al-Shabab inkastoo ay Shabab sheeganayaan in weerarada ay dalka ka geysteen waqtigaas la sheegay ay gaarsiisan yihiin 167 weerar.

Weeraradaas intooda badan waxay ka dhaceen koofurta Soomaaliya waxaana ay gaarsiisan tahay 70% sida warbixintu xusayso intooda sii badana waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Qaraxyada ka dhashay miinooyinka baabuurta lagu xiray iyo kuwa dhulka lagu aasay mudada ay daraasadaan socotay waxay gaartay 24% halka ismiidaamintuna ay ahayd 2%.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu sheegay in hubka ay Shabab adeegsadeen u badan yahay ciidamada Soomaaliya marka loo eego hubka iyo dharkaba waxaana hubka ay weerarada u adeegsadeen 40% ka yahay kan ciidanka dawlada.

Bartilmaameedyo.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay bartilmaameedyo kala duwan weeraradooda ku jiheeyeen waxaana meelaha ugu badan ee ay weerareen ay ahayd xarumaha ciidamada xooga waxaana qoraalkaan lagu sheegay in weerarada ciidamada xooga Soomaaliya iyo qolo lagu tilmaamay xulafadooda ay gaartay 54% halka weerarada lagu qaaday ciidamada AMISOM ee midawga Africa ka socdana ay gaarsiisan tahay 28%.

Xogtaan waxaa lagu sheegay oo loo kala qaad qaaday meelaha ay Shabab weerarada ku qaadeen iyo sida ay uga kala dhaceen.

Tusaale magaalada Muqdisho xogtaan waxay sheegtay in laga soo bilaabo October sanadkii hore illaa April sanadkaan ay ka dhaceen 125 weerar waana halka ugu badan gobolka Sh/hoose waxaa ka dhacay 111 weerar waxaana ugu badan degmada Afgooye oo ay ka dhaceen 28 weerar, Sh/Dhexe waxaa ay Al-Shabab ku qaadeen 23 weerar jubadda hoose waxaa ka dhacay 26 weerar, gobolka Bay 29 weerar.

Gobolada dhexe iyo Puntland wargaysku waxaa uu sheegay inay dhawr weerar ka dhaceen hase ahaatee halka weerarada ugu badan ay ka dhaceen waa magaalada Boosaaso oo ay ka dhaceen 23 weerar oo Shabab mas’uul ka ahaayeen.

Xogta wargeyskaan baahiyay waxaa lagu shaaciyay tirada askar ka tirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada oo Al-Shabab sheegteen inay dileen inkastoo aan la xaqiijin karin.

Xogaha Al-Shabab laga helay ee warbixintaan lagu daray waxaa ka mid ah in iyagu ay dileen 5 xubnood oo dagaalamayaashooda ka tirsanaa kuwaasoo lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen dawlada Soomaaliya.

Wargeysku waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday weeraro kale oo ay gudaha Soomaaliya ka geysteen dagaalamayaasha ururka Daacish kuwaasoo gaaraya 23 weerar oo badankood ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye una badnaa toogasho iyo qaraxyo dhulka la dhigay.

Weerarada lagu qaaday saldhigyo ay Al-Shabab ay ku leeyihiin dalka oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee dawlada iyo ciidamo Maraykan ah ayaa warbixintaan lagu sheegay inkastoo aan tirokoob lagu shaacin.