Somali News

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan hoostaga Degmada Dhoobley.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay la  wareegeen deegaanka Dag cada oo hoostaga  degmada Dhoobley una u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,iyadoona halkaasi  ay Saldhiga ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in inta aysan Al-Shabaab la wareegin deegaanka uu dagaal culus dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab,hayeehsee aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ee soo kala gaaray labada dhinac.

Ma jiraan Weli faahfaahin intaasi dheer oo ka soo baxay maamulka Jubbaland.