Somali News

Al-Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay

Baydhabo-KNN-Ciidamada ka tirsan militariga soomaaliya ayaa gabi ahaanbi la sheegay in ay isaga baxeen deegaannada Deynuunay iyo Goof-gaduud buurey ee gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saakay la wareegeen deegaannada ay ka baxeen ciidamada xoogga dalka. Deegaanka Goof-gaduud buurey ayaa maanta waxaa maamulaya xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda Kulmiye. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in cabsi xoogana ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Goof-gaduud buurey ee gobolka Bay. Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Degaanada goofgaduud Buurey iyo Daynuunay ee gobalka bay. Deegaanka Deynuunay ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona dagaalkaasi uu khasaaro soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.