Somali News

Al-shabaab oo la wareegay degaanka Xawaadley ee D/Balcad

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta dagaalamayaasha Al-shabaab ay la wareegayn degaanka Xawaadley ee degmada Balcad sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya.

Degaankaan oo dhowr kiilo mitir u jira Balcad ayaa muhiim u ah sugidda amniga degmadaasi waxaana la sheegay in ay isaga baxayn Ciidamada Soomaaliya kadib markii ay ku soo dhawaadayn dagaalamayaasah Al-shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan HirShabeelle ayaa sheegay in dagaal waqti kooban qaatay Al-shabaab kula wareegayn degaanka hadana ay dib ugu laabanayaan degaanka Xawaadley ee degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa habeenno ka hor qabsaday Balcad iyagoo gubay Saldhiggii degmada sidoo kalane la sheegay in ay gubayn gaadiid yiilay Saldhigga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.