Ceel-waaq–KNN–Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la Wareegeen Guud ahaan Gacan ku haynta Degmada Ceel-waaq ee Gobolkaasi,waxaana halkaasi isaga baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Al-shabaab ayaa Markii ay la wareegeen Degmada Ceel-waaq waxaana ay Dab qabadsiiyeen Xarunta Degmada,iyadoo sidoo kale Miinooyin ku Xiray Saldhigga Degmada Ceel-waaq.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa Magaalada uga baxay dhanka Xadduuda Ceel-waaq uu la leeyahay Kenya.
Qabsashada Al-shabaab ee Degmada Ceel-waaq ayaa imaaneysa Xilli Xalay Magaalada Baled-xaawo uu ku hoyday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.