Somali News

Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degaanka Af Urur ee gobolka Bari

Boosaaso-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af Urur ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay saakay si nabad ah kula wareegheen deegaankaas.

Dad ku sugan Af Urur ayaa KNN u sheegay in wax dagaal ah uu san ka dhicin deegaanka oo Al-Shabaab ay si nabad galiyo ah kula wareegeen subax nimadii hore ee saakay Sabti eheyd, maadaama aysan wax ciidan ah ku sugneyn.

 Degaanka Af Urur ee gobolka Bari ayaa waxaa maalmo ka hor isaga baxay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta maamul goboleedka Puntland oo iyagu mudo deegaankaas saldhigyo ciidan ku lahaa.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay fariisimo ka sameysteen goobo badan oo ku yaalla deegaanka, kuwaasi oo ugu horeeyo saldhigii ay dhowaan ka guureen ciidamada Daraawiishta Puntland.

Dadka goobjoogayaal ah oo kusugan deegaanka Af Urur ayaa noo sheegay in ay arkayeen cutubyo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo aad u hubeysan kuwaas oo gudaha u galaya xarumiha danta guud ee deegaanka, mana jiraan wax khasaare ah oo ay u geysteen dadkii ku noolaa deegaanka Af Urur.