Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Al-shabaab oo Labo Nin ku Toogtay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka laga helayo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Fagaare ku yaalla Degmadaasi ay Al-shabaab ku Toogteen Labo Nin oo ay ku Eedeeyeen in ay yihiin Basaasiin sida lagu sheegay War lagu qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Jamaame ee Al-shabaab ayaa Xukunkaan ku dhawaaqay,waxaana uu sheegay in ay Qirteen Dambiyada lagu soo oogay Raggaan la dilay,balse ma jirin Qareen ka difaacayay Dambiyada lagu soo oogay Ragga la toogtay,iyadoo Dadka ay Dilalka ku xukumaan Al-shabaab aysan u qaban Qareeno Difaaca.

Labada Nin ee lagu Toogtay Jamaame ayaa lagu kala Magacaabaa Ibraahim Abuukar Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu aheyd 26 sano jir.