Somali News

Al-Shabaab oo laga saaray Tuulooyin muhiim ah oo ka G/Jubada Hoose.

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya Tuulooyin ka tirsan Deegaanka Baar-Sanguuni ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab ka saareyn tuulooyin muhiim ah oo ay maalmihii dambe ka soo weerar tagi jirayn.

Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Kumaandooska ayaa weerar ku qaaday dhowr Tuulo waxaana la sheegay in Al-shabaab ay ka baxeen tuulooyinkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Howlgalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Maraykan ah, goobaha la qabsaday wali waxaa ku sugan Ciidamada Dowladda ee weerarka qaaday.