Somali News

Al-Shabaab oo maanta ciidanka dowladda iyo AMISOM ku weeraray Golweyn.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaal muddo kooban socday ayaa deegaankaas ku dhexmaray AMISOM iyo ciidamada dowladda oo dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka gaadmo ah ku qaaday saldhigyo ku yaala Golweyn.

Xaalada deegaanka ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalay howlgalo amni xaqiijin ah kawada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana wali la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas