Mahadaay-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhig ay dagan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku yaala degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in Weerar culus ku qaadeen Fariisinka Ciidamada dowladda ee Duleedka Degmada Mahadaay waxaana la soo sheegayaa in uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
inta la xaqiijiyay Weerarkaasi waxaa u ku dhintay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kalane waa ay ku dhaawacmeen sida ay KNN u xaqiijiyeen Saraakiisha Dowladda.