Somali News

Al-shabaab oo Macaliim, Arday iyo Nabadoono ku xiray, Jubada Dhexe.

Bu’aale-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay iney dad shacab ah ku xer xereen magaalada Bu’aale ee xarunta gobalka Jubada Dhexe, sida ay noo sheegayn dadka deegaanka. Dad ay Al-shabaab xer xereen waxaa ka mid ah Odayaal dhaqan, Macalimiin iyo Arday dhiganeysay Iskuul ku yaala Bu’aalo, dadkaan ayaa la sheegay in saakay ay qabteen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa magaalada.

            Wadarta guud dadka la xiray ayaa la sheegay iney gaarayaan ilaa 10 qof, waxaana loo gudbiyay Xabsi ku yaala magaalada Bu’aale oo ay maamulaan Al-shabaab. Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya, in aan la ogeyn sababta loo xiray dadkaan, balse ay jirto hadalo dhawaan ay sheegeyn Al-shabaab oo ku aadanaa iney raadinayaan dad ay sheegeyn iney hagayeen duqeymo iyo weeraro ka dhacay Jubada Dhexe.

            Arintaan ayaa ku soo beegan tahay xili ay gobolka Jubbooyinka ay maalmahaan ka taagneed dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Jubbalanad iyo kuwa Milatariga Soomaaliya.