Uncategorized

Al-shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Degaanka Buulo-gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose

Buulo-gaduud–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Buulo-gaduud oo dhanka Waqooyi 30-KM ka jira Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG Jubbaland ahna Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Fariisimo Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Buulo-gaduud.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Shabaab ay Dhowr Madfac ku soo tuureen Magaalada islamarkaana ay ku dhaceen Gudaha Magaalada iyo Hareeraheeda intaba.

Ma jirto illaa hadda wax Khasaare ah oo la soo Wariyay in ay geysteen Madaafiicda Shabaabku ay ku Weerareen Degaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana Degaanka Buulo-gaduud Fariisimo ku leh Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

War lagu Faafiyay Websetyada Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka Madaafiicda ah ay Khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Buulo-gaduud.

Degaanka Buulo-gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa tan iyo markii laga saaray Al-shabaab wuxuu wajahayay Dagaal iyo Duqeymo ay ku soo qaadaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo Khamiistii Booqday Degaanka Buulo-gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Maamulkiisu uu bilaabayo Dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Guud ahaan Maamula Gobolka Jubbada Dhexe oo ah Caasimadda Maamul Gobolleedka Jubbaland,waxaana Marar farabadan uu Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay inuu Shabaab ka saarayo Gobolada Jubbooyinka.