Ceel-waaq-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay degmada Baardheere ee gobalka Gedo sida ay KNN u xaqiijiyeen Saraakiisha degmadaasi ee Milatariga Soomaaliya.
ku dhawaad ilaa 10 Hoobiye ayaa ku soo dhacay degeenka Fax Fax-dhuun ee duleedka degmada Baardheere ee Gobalka Gedo mana jirto faah faahin dhab ah inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.
Al-shabaab ayaa sheegtay iney duqeeyeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayna Gaarsiiyeen Khasaaro Ciidamada Kenya ee ku sugan Fax fax-dhuun ee Gobalka Gedo.