Uncategorized

Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Madaafiic ku gareen  garoonka diyaaraha ee degmadaasi oo ku yaala duleedka magaalada Baardheere.

Dadka degaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay maqlayeen Dhawaqa Madaafiicda ay Al-Shabaab ku tuurayeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in khasaaro uu ka dhashay madaafiicda ay Al-Shabaab ku garaaceen garoonka Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, kaasi oo ku aadan Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku garaaceen Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay baahiyeen in madaafiic ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya, iyagoona Sheegay in Khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Ciidamada Kenya ay Dagaal kula galeen Degaanka Faxfax-dhuun ee gobalka Gedo dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Hayeeshee xaalada degaanka faxfaxdhuun ee gobalka Gedo ayaa maanta waxaa ay ku waramayaan in ay degan tahay, iyadoona Ciidamada Xoogga ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degaankaasi.