Baraawe-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo sahay u waday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugan Tuulada Ambareeso ee duleedka degmada Baraawe.
Inta la xaqiijiyay 2 ruux oo midi shacab yahay midna Ciidan yahay ayaa ku geeriyooday duqeyntaas sida uu Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre.
Ma jiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo weerarkaas madaafiicda ah ee Al-shabaab maanta ay ku tuureen Diyaarad saanad Ciidan u watay Ciidamo ka tirsam Xooga Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose.


