Uncategorized

Al-Shabaab oo Magaalada ku weeraray Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Marka-KNN-Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-wareegow oo Hoostaga Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Miino loo dhigay Kolonyo Gaadiid ah oo ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Ciidamada Qaraxa Miino loo dhigay ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho,waxaana ay ku siijeedeen Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Qaraxa ka dib uu Dagaal Kooban dhexmaray Ciidamada AMISOM ee Weerarka lagu qaaday iyo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo Weerarka Jidgooyada ah ee lagu qaaday Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM ayaan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay,hayeeshee Warar lagu Faafiyay Websetyada Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkaas ay Al-shabaab ku Gubeen Labo Gaari oo Nuuca Dagaalka ah islamarkaana ay dhimasho iyo Dhaawac gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee Shabaabku Weeraray.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidamada AMISOM oo ku aadan Sheegashada Al-shabaab ee ah in ay Gubeen Labo gaari oo ah Gaadiidka ay Isticmaalaan Ciidamada AMISOM.