Uncategorized

Al-Shabaab oo mar kale weeraray deegaanka Bariire.

Bariire-KNN-Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose oo aan wali ka soo kaban dhibaatadii ka soo gaartay weerarkii khasaaraha culus ka dhashay ee deegaanka Bariire ayaa xalay mar kale wajahay weerar kale oo kaga yimid Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku bilaawday madaafiic ay ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Milatariga Soomaaliya dagaalkaas oo socday ku dhawaad Labo saacadood oo xariir ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Aw-dhiigle ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay hoos timaado deegaanka Bariire Faarax Maxamed Cabdi ayaa KNN u sheegay in ay iska caabiyeen Weerarkii ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

“Dagaal culus naguma soo qaadin waana iska difaacnay mana jiro khasaaro dhankayna soo gaaray balse waxay soo rideen dhowr madfac oo aan wax dhib ah noo geysan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Aw-dhiigle.

Al-Shabaab ayaa qeyb ka mid ah maamula deegaanka Aw-dhiigle, kadib markii ay dhawaan Qarax ku jireen Buundadii deegaanka kala qeybin jirtay taas oo hakad gilisay isku socodka Gaadiidka deegaankaasi.

Ciidanka Dowladda ayaa sidoo kale dhinaca kale ka jooga deegaanka waxaana kala qeybisa Labada dhinac Buundada deegaankaasi oo dhawaan Shabaab Qarax ku xireen kadiba kala go’day.

Al-Shabaab ayaa muhiim u arka deegaanka Bariire waxaana la sheegay in u ahaa meel istaraatiiji ah oo ay ka hagaan weerarada Shabeelaha Hoose iyo Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in ay ku diyaarin jireen Qaraxyada Ismiidaaminta sida ay sheegeen Xubno ka tirsan milatariga Soomaaliya.