Uncategorized

AL-shabaab oo muddo kooban la wareegay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud

Galgaduud-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay muddo kooban gacanta ku dhigay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa markii ay gaareen deegaanka Baxdo waxay hadal kooban u jeediyeen dadka deegaanka, waxaana la sheegay in Al-shabaab dadka ay u sheegeen in ayaga gobolka ay maamulaan islamarkaana awaamiirtooda qaataan.

Ciidamadii dowlada ee deegaankaas joogay ayaa isaga baxay deegaanka kadib markii ay ka war heleen in Al-shabaab deegaanka ku soo wajahan yihiin.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee gobolka Galgaduud Salaad Cusmaan Xasan oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye oo hogaaminaayay ciidamada ka baxay deegaanka ayaa ka warbixiyay sababta keentay in ay ka baxaan ciidamada deegaankaasi.

Wuxuuna tilmaamay in ciidamada dowlada aysan awood u laheen in ka hortagaan Al-shabaabka soo gaaray deegaanka Baxdo.

Ma`ahan markii ugu horeysay oo dagaalamayaasha Al-shabaab ay la hadlaan dadka deegaanka Baxdo iyadoo gacanta ugu jirto ciidamada dowlada.