Somali News

Al-Shabaab oo mudo ka yar 24 saac ah dad shacab ah markale ku toogatay Jubada Hoose.

Muqdisho-KNN-Al-Shabaab ayaa meel fagaaro ah mudo 24 saac ah ku toogtay rag ay ku eedeysay in ay xiriir la leeyihiin Dowladdda Federaalka Soomaaliya.

Shanta qof ayaa waxaa lagu toogtay  fagaaro ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

1: Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

2: -Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Dowlad goboleedka Jubbaland.

3: Cabdi Raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4: Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyaan in uu la Shaqeynayay Maamulka Koonfur Galbeed.

Iyo Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay in uu la Shaqenayay Ciidamada Bangaraafta ee xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas oo uu tababaray Mareykanka.