Uncategorized

Al-shabaab oo noqotay kooxda geysatay weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Afrika

Muqdisho-KNN-Maqaal ey qortay xarunta istaatijiyadda daraasaadka ee mareeykanka ee qaaradda afrika ayaa waxa ey soo saartay daraasad cusub oo ey kaga hadlyeeyso kooxaha lagu tilmaamo argagaxisada weerarada ey ka geestaan Africa.

Cilmibaaristan oo socotay 12bilood ah ayaa waxaa la isbarbar dhigay kooxaha Bokoharam, Alshabaab iyo kooxaha kale ey ka dagaalama waqooyiga Qaaradan Afrika.

Alshabaab ayaa waxaa loo aqoonsaday kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan guud ahaan kooxaha ka dagaalama Afrika , waxaana la sheegay in ey geeysatay weeraradii ugu ba’anaa uguna tirada badnaa ee ka dhaca Afrika.

Sida ey daabacday Waaxda  difaaca Mareeykanka Salaasadii shalay aheed waxa ey tilmaameen in 12bilood ee ina dhaafay ey Alshabaab dileen 4,834 qof oo afrikaan ah dad ugunna bandanna waa soomaali iyo keenyaan.

Sidoo kale weerarada ey Alshabaab qaaday waxaa lagu sheegay in  ey ku dhawyhiin 3,000 oo weerar kuwaa oo ka dhacay wadamada Kenya Iyo Somalia.

Weerarada Xarakada Alshabaab ayaa kordhay 38% markii loo barbar dhigo daraasadan tii ka horeeysay.

Sidoo kale waxayaabaha ey maqaalkan lagu xusay waxaa kamid ahaa weerarada dayaarada iswada ee mareeykanka in ey kordheen tan iyo markii la doortay madaxweeynaha sanad jirsaday ee mareeykanka Donald Trump.

Kororka dadka ey dileen Alshabaab waxaa cirka kusii shareeray weerarkii ka dhacay isgooska Zope oo dowladda soomaliya iyo hayadda warbixintan soo saartaba ey aamisanyihiin in Alshabaab ka danbeeyeen.