Uncategorized

Al-Shabaab oo Odayaal dhaqan ku xiray Koofurta G/ Mudug

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya Koofurta gobalka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in Al-Shabaab ay shalay xireen Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa Tuulooyinka Camaara, Caad iyo Baxda ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Ehelada Odayaasha la xiray ayaa KNN u sheegay in odayaasha Al-Shabaab ay shalay Subax ugu yeereen Shir ay ku dalbanayeen dhalinyaro u dagaalama balse ay ka diideen Odayaasha iney wiilashooda ku biiriyaan Al-Shabaab.

Tirada odayaasha la xiray ayaa Gaaraya ilaa 12 qof, qoysas  badan ayaa wiilashooda kala soo baxay deegaanka oo Cabsi ka qaba iney kala wareegaan dhalinyaradooda.