Somali News

Al-shabaab oo odayaal ku xiray Galgaduud

Ceelbuur-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Odayaal ku xiray Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida ay Radio Kulmiye u sheegeen dadka deegaanka.

Odayaasha oo tiradooda lagu sheegay Sedax waxaa lagu xiray Tuulo lagu magacaabo ximcadde oo hoos tagta Degmadda Ceelbuur oo Al-shabaab ay maamulaan.

Da’da odayaasha ayaa lagu sheegay in ay kor u dhaafeeyso d’ada 70 aad, sida uu Radio kulmiye u sheegay Nabadoon Maxamuud Daarogobeey oo ka mid ah Odayaasha Degmadda Guriceel.

Arrimo la xiriira Diyo ayaa la sheegay in Al-shabaab ay odoyaasha u xireen.