Somali News

Al-Shabaab oo odayaal ku xiray Gobalka galgaduud

Galgaduud-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Odayaal ku xiray deegaan la yiraahdo Galqoryaale oo u dhexeeya Magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo dhamaantooda ka wada tirsan  gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Odayaasha la xiray ayaa waxaa  tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 40 qof,waxaana halkaasi maamula  dagaalamyaasha Al-shabaab.

Sababta odayaashan loo xiray ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay tahay Arrimo la xiriira Diyo Al-shabaab ay ka doonayaan  odayaashaasi.

Maamulka galmudug ayaan weli ka hadlin falkan ay shabaab kula dhaqaaqeen odayaasha.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay dhibaatooyinka kala duwan ay ku hayaan Shacabka ku nool qeybo ka mid ah gobalka galgaduud,

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay odayaal  ku xireen degaan hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka galgaduud.