Somali News

Al-Shabaab oo qarax ku dilay guddoomiyihii iyo taliyihii saldhiga deegaanka Goofgaduud buurey

Dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab ayaa maanta  weerar  culus waxaa ay ku qaadeen  Deegaanka Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-shabaab waxaa ay la beegsadeen  Saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa koonfur Galbeed ku leeyihiin Degaanka Goof-gaduud Buurey waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhianac.

Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarka ku bilowday qaraxa kadib ay u suura gashay in ay  gacanta ku dhigeen Saldhiga Ciidamada xoogga ay ku leeyihiin  ee Goof-gaduud Buurey islamarkaana ay halkaasi askar badan ku dileen sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ay  KNN ka helayso deegaanka goof-gaduud buurey  ayaa sheegaya in  taliyihii saldhiga booliska deegaanka Goofgaduud buurey  ee gobolka Bay Xasan isaaq Xasan Baka, gudoomiyihii deegaankaasi  Isaaq Cali iyo ilaaladoodii ay ku dhinteen  qarax miino oo Al-Shabaab ay ugu  dhex qariyeen  meydadka askartii lagu dilay qaraxii iyo weerarkii ka dhacay deegaankaasi.

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay ka hadleen qaraxyada iyo weerarka ay Al-Shabaab maanta ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey ee gobolka Baay.

Taliska ayaa sheegay  in howlgal ka dhacay deegaanka Goofguduud buurey  ee G/Baay lagu dilay ilaa 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa sheegtay in Dagaalamayaal ka tirsan kooxdooda  ay dagaal kula wareegeen deegaanka Goof-gaduud buurey.

Xaaladda deegaanka Goofagaduud buurey  ayaa haatan ah mid degan, balse waxaa dhaq-dhaqaaqay iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.