Uncategorized

AL-Shabaab oo Qaraxyo iyo weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan G.SH.Hoose

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheeagaya in deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi ay ka dhaceen maanta weeraro iyo Qaraxyo.

Deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo muddo ku dhow laba saacadood socday una dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Dagaalkaan oo markii hore ku bilowday Qaraxyo loo adeegsaday laba Gaari oo Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa, kaas oo markii dambe isku baday dagaal toos ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray sida dadka deegaanka oo KNN la hadlay ay tilmaameen.

Labada Gaari ayaa loo adeegsaday weerarada Qaraxyada ah ee lagu qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer waxay kala yihiin Homy iyo Dyna, waxaana Qaraxyada xigay dagaal toos ah oo muddo Socday.

Dhankale deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay weeraro iyo Qaraxyo kale deegaanadaas waxaa ka mid ah, deegaanada Golweyn, iyo Mashalaay oo weeraro iyo Qaraxyo ay ka dhaceyn, iyo  degmada Qoryooley oo dhamaan kawada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama ogga inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay weeraradaasi maanta ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo dadka deegaanadaasi ku dhaqan oo la xariirnay ay sheegeen in uu jiro khasaare xoog leh laakiin aysan cadeyn Karin inta uu la egyahay khasaarahaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay KNN ayaa waxay sheegeen in ay ka hortageyn weerarada iyo Qaraxyada oo aysan u dhicin sidii ay rabeyn dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankooda ka hadlay weerardaan iyo Qaraxyadaan maanta ka dhaacy gobolka Shabeelaha Hoose waxay sheegeeen in mas`uuliyada weeraradaasi, isla markaane waxay tilmaameen weeraradaasi ay ku dileyn kuwaad 60 Askari oo AMISOM ah.