Uncategorized

Al-Shabaab oo qof Shacab ah ku Gowracay Gobalka Bakool.

Waajid-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qof shacab ah ku Gowraceen duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka la gowracay oo ahaa ganacsade ayaa la sheegay in lagu arkay meydkiisa deegaan lagu magacaabo caleemow oo qiyaastii 22 KM u jira degmada Waajid ee gobalka Bakool waxaana la sheegay in ay la socdeen Saddex qof oo kale kuwaas oo la sheegay in ay baxsadeen.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa raggaan ku qabtay deegaan lagu magacaabo Caleemow oo 22 KM ujira Degmada Waajid, kuna dhaw degaanka Buurdhuxule oo ka tirsan Bakool.

Marxuumka ay Shabaab Gowraceen ayaa la sheegay in uu raashin u waday Magaalada Ay Al-Shabaab go’doomiyeen ee Waajid, waxaana magaaladaasi ay go’doon ku jirta in ka badan 4 sano.

Dad badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab u dileen kuwaas oo raashin Ganacsi u waday Waajid iyo magaalooyin kale oo gobalka ka tirsa.