Uncategorized

Al-Shabaab oo qorsheynaya Weeraro ay ku qaadaan Kenya.

Nairobi-KNN-Laamaha amaanka dalka kenya ayaa ka digaya In Al-Shabaab ay weeraro ka geestaan qeyba ka mid ah dalkaasi inta ay socoto Banaanbaxyada Mucaaradka iyo Buuqa ka taagan doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Ilaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro ay ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo sidoo kale degaanada ku yaalla xeebaha Kenya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa Wargeyska the Star u sheegay in ciidamada Ammaanka heegan buuxa la geliyay Cabsi laga qabo Weeraro.

Waxaa uu sheegay in ay suurtagal in ay doonaayaan in Weeraro Khasaare badan geysta in ay ku qaadaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.