Somali News

Al-shabaab oo saakay weerar ku qaaday Degmada Balcad

Balcad-KNN-Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa haatan waxaa uu ka socdaa degmada Balcad ee gobolka shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalameyaasha Al-shabaab u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan degmadda Balcad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin dagaalka ka socda degmada Balcad.