Uncategorized

Al-Shabaab oo saakay weeraray Fariisamo Ciidanka Dowladda ku leeyihiin duleedka Beled-weyn.

Muqdisho-KNN-Wararka saakay naga soo gaarayo duleedka Magaalada Beled-weyn ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa soo sheegayo in saakay Aroortii hore ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Kalabeyr oo ku yaala duleedka Magaalada.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus oo mudo socday ku Fariisamo ay ciidanka ku lahaayeen deegaanka Kalabeyr kadibna ay qabsadeen deegaankaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay qabsadeen waqti kooban deegaanka kadibna ay dib uga baxeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo kan gobalka oo ku saabsan dagaalkii saakay Aroortii hore Dagaalamayaasha Shabaaab ku qaadeen deegaanka Kala-beerka ee gobalka Hiiraan.