Somali News

Al-shabaab oo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ku dhaawacay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas`uuliyada dhaawac Xalay loo geystay Sarkaal ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Al-shabaab ayaa baraha ay warkooda ay ku faafiyaan ku sheegay in dhaawac culus ay u geysteen Salkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo magaciisa ay ku sheegeen Axmed Nuskiilo, kaas oo ay sheegeen in dhimisho ahaan ay ugu tageen, balse uu noqday dhaawac culus, haddane dhaawaciisa lagula tacaalayo mid ka mid ah goobaha Caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Af-urur ee u dhow Buuraha Gal-gala ee gobolka Bari, kadib markii deegaankaasi ay faarujiyeen Ciidamadii Puntland ee horay ugu sugnay.

Kooxda Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Af-urur waxay ku fideen deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bari oo xalay ay ku dhaawaceen Salkaal ka tirsan Ciidamada Puntland.