Somali News

Al-Shabaab oo Sarkaal ka tirsan Daacish ku dilay J/Dhexe.

Bu’aalle-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubada dhexe ay ku toogteen Sarkaal sare oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugan Bu’aalle.

Sarkaalka ay Al-shabaab tooogtayn ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiile,waxa uu caan ku ahaa (Abu Zakariye). Sarkaalkaan ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Soomaaliya sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.


Abu Zakariye oo ah Sarkaalka la toogtay ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jiray Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.


Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh AlQaacidda ee Al-shabaab.


Al-shabaab ayaa u arkay in ninkaan uu ka tirsan yahay islamarkaana uu ahaa Sirdoonkooda Kooxda Daacish ee Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegay in Sirdoonkooda uu ogaaday in Sarkaalkaan oo dib ugu soo laabtay kooxda Al-shabaab uu Sirdoon u ahaa Daacishta Soomaaliya.