Somali News

Al-Shabaab oo shaaciyay Magaca ninkii isku qarxiyay Howl-wadaag.

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay  Al-shabaab ayaa waxaa ay ku faahfaahiyeen magaca ninkii dhawaan isku qarxiyay xarunta degmada howl-wadaag ee gobalka Banaadir.

Ninka is qarxiyay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/Qaadir Cabdullahi Xaaji Maxamed,Waxaana la sheegay inuu ku dhashay degaan hoos taga Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe.

Al-shabaab ayaa waxaa ay da’diisa ku sheegeen cabdi qaadir 22 sano jir,isagoona mudo badan la dagaalamayay ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qaraxii ka dhacay Xarunta degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  ku dhintay dad tiradooda gaaraysa  6 Qof, halka 14 qof kalana ay ku dhaawacmeen.